Madaxa xisbiga Wiper ahna hoggaamiyaha kooxda isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ku matalaysa wada hadallada siyaasadeed ee kala dhexeya dowladda dhexe, Kalonzo Musyoka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in saacadihii ugu dambeeyay uu ka war helay in qaar ka mid ah warbaahinta ay fasiraad khaldan ka bixiyeen hadal uu jeediyay.
Kalonzo ayaa hoosta ka xarriiqay in xilli uu ka hadlayay arrimaha dalka si uunan isaga u oran loo fasiray hadalkiisi gaar ahaan ictiraafka maamulka talada wadanka haya.
Waxaa uu Musyoka qoraalkiisa ku sheegay in Azimio ay caddeynaysa in arrimaha ay ku adkeysanayaan in labada dhinac ay ka wada hadlaan ay ka mid tahay in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo doorashadii madaxtinnimo ee bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.
Waxaa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda kooxaha kala matalaya Kenya Kwanza iyo Azimio ay muujiyeen niyad sami siyaasadeed sidaasi awgeedna uu garabka mucaaradka arrinkan uga mahadcelinaya.
Sidoo kale waxaa uu kenyaanka ku boorriyay inay ka qayb qaataan geeddisocodkan muhiimka ah oo ay afkaartooda ku soo gudbiyaan muddada loo qabtay.
I have noticed that a section of the media has in the last few hours misquoted my recent statement on the state of affairs in our country; particularly on the legitimacy of the current regime.
As AZIMIO we remain clear that the issues for discussion and negotiations as framed by…— Kalonzo Musyoka (@skmusyoka) September 3, 2023
Kalonzo Musyoka oo rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadallada sidoo kalena sheegay in aynan jirin cid hor istaagi karta ayaa hadalka uu hadda sheegaya in qayb ka mid ah si khaldan loo fasiray sidatan u dhigay.