DHAGEYSO:Hoggaamiyayaasha muslimiinta oo cambaareeyay fal gacan ka hadal ah oo ka dhacay masjidka Jamia ee Nairobi

0
648

Hoggamiyayaasha muslimiinta dalka ayaa cambaareeyay fal gacan ka hadal oo Jimcihii shalay laga soo tabiyay masjidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu isku dhac dhexmaray dad ku tukanayay safka hore ee masjidka intii lagu jiray salaaddii Maqrib.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadan ay sababtay in tiro aan la garanayn oo ka mid ah dadkii cibaadeysanayay ay dhaaawacyo soo gaareen kuwaas oo xarumaha caafimaadka la dhigay.
Hoggaanka masjidka wayn ee Jamia ayaa xaqiijiyay dhacdadan, iyagoo sheegay in qaar ka mid ah dadkii cibaadeysanayay ee ku lug lahaa gacan ka hadalka ay booliiska xireen.
Senatarkii hore ee ismaamulka Mandera, Billow Keerow, oo xubin ka ah guddiga masaajidka, ayaa sheegay in dagaalka gacan ka hadalka uu gaystay burbur soo gaaray qaar ka mid ah qalabkii masaajidka oo ay ku jiraan kaamirada wax duubto.
“Shalay fiidnimadii waxa aan aragnay fal xun oo ka dhacay masaajidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi, tani waa dhaqan murugo iyo ceeb ah, sababtoo ah masaajidku waa meel muqadas ah oo loogu talagalay in lagu cibaadysto ee maaha meel rabshado ah,” ayuu yiri Billow Keerow
Waxaa uu intaasi ku daray in la xiri doono cid kasta oo dhibaato ka gaysata gudaha masaajidka iyo dhismihiisa.