In ka badan 60 qof oo laga cabsi qaba inay dhinteen, ka dib dooni kula degtay Cape Verde

0
362

Ugu yaraan 63 qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii dooni ay la socdeen muhaajiriin laga helay xeebaha wadanka Cape Verde ee ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika.
Afhayeen u hadashay hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM oo lagu magacaabo Safa Msehli ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay 38 qof oo ay ku jiraan afar carruur oo ay da’dooda u dhexeyso 12 ilaa 16 sano jir.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in doonta ay saarnaayeen 110 qof oo loo maleynaya inay ka yimaadeen dalka Senegal.
Doontaan oo muddo ka badan bil ku jirtay badda ayaa maalintii Isniinta ee toddobaadkan lagu arkay meel 320 kiilomitir u jirta deegaan badeedka Sal oo ka tirsan wadanka Cape Verde.
Saraakiisha Cape Verde ayaa ku baaqay in tallaabo caalami ah la qaado si looga hortagayo tahriibka.