Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa Xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho ku qabatay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la soo galin rabay gudaha caasimadda.
Waxaa ciidamada ay sidoo kale toogasho ku dileen darawalkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ka dib markii uu iska dayay inuu ka baxsado gacanta ciidamada NISA.
“Ciidanka NISA ayaa caawa degaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta oo watay gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa, NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku haysay, iyadoo laga furtay gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay Warbaahinta dowladda.
Tallaabadaan ciidanka NISA ay ku qabteen gaariga qaraxyada ka buuxaan, islamarkaana ay ku toogteen ninkii darawalka ahaa ee gaarigan waday ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo muddooyinkii dambe ay kordheen howlgallada ciidamada dowladda ay ka wadaan Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan.
Gabagabadii qaraxyada ismiidaaminta ah ee loo adeegsado gaadiidka qaraxyada laga soo buuxiyo ayaa muddooyinka la soo dhaafay si aad ah ugu yaraaday inay ka dhacaan caasimadda Muqdisho, ka dib markii ciidamada amaanka ay kordhiyeen baaritaannada qaraxyadaasi looga hortagayo.