Waxaa maxkamad la soo taagay 65 qof oo laga soo samatabixiyay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi kuwaaso loo haysto inay isku dayeen inay is dilaan.
Dadkan ayaa la soo taagay maxkamadda Shanzu ee ismaamulka Mombasa.
Dastuurka dalka ayaa mamnuucaya in qofka uu naftiisa ka takhaluso.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay cunta ka af xirteen xilli ay ku sugnaayeen xarunta Sajahanadi ee Mtwapa.
Garsooraha sare ee maxkamadda Shanzu ,Joe Omido ayaa arrintooda go’aan ka soo saari doono 15-ka bishan.
Dhanka kale Saraakiisha baaritaannada ka sameynaya keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ayaa maanta halkaasi ka soo saaray 10 meyd oo dheeraad ah.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in tirada guud ee meydadka ilaa iyo hadda laga helay keyntaasi ay tahay 284.
Sidoo kale waxaa dhacaanka hidda -sidaha ee DNA laga qaaday 93 qof iyadoo la aqoonsaday 19 ka mid ah qoysaska dadka geeriyooday.
Tirada dadka la la’yahay ayaa ah 613 qof.
Eedeysanaha ugu muhiimsan ayaa ah baadariga kaniisadda Good News International,Paul Mackenzie oo loo haysto inuu dad badan oo kaniisadiisa taabacsanaa kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Waxaa hadda keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ka socdo wajiga Saddexaad ee baaritaannada lagu eegaya xabaal wadareedyada halkaasi lagu arkay.