64 qof oo kenyaan ah oo laga soo badbaaday kooxo hubaysan ee dalka Myanmar

0
323

Dawladda dalkani Kenya waxay kala xaajoonaysaa dawladda Thailand in dib loo furo xadka ay wadaagaan Thailand iyo Myanmar si loo soo daadgureeyo 64 qof oo Kenyan ah oo laga soo badbaadiyay shabakadaha dadka tahriibiya ee Myanmar.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta, ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ku xayiran yihiin xuduudka, isla markaana ay ka mid yihiin in ka badan 7,000 oo Ajaanib ah oo ay sii daayeen kooxo hubeysan, balse aan awoodin inay u gudbaan dalka Thailand tan iyo 12-kii bishii February, markaasoo dufcaddii ugu horreysay ee 260 dhibanayaal ah oo ay ku jiraan 23 Kenyan ah loo oggolaaday inay maraan xadkaasi.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Safiirka Kenya ee Thailand uu maalin walba la xiriiro kuwa ku go’doonsan xadka iyadoo mas’uuliyiintu ay eegayaan wadooyin kale oo ay dadkaasi dalkooda ugu soo laaban karaan.
Dhanka kale, xaaladaha ka jira xeryaha militariga ee ku meel gaarka ah ee gobolka Karen ee Myanmar halkaas oo dhibbanayaashu ay hoy u yihiin ayaa weli ah mid aad u daran iyada oo ay helaan daryeel caafimaad oo kooban, biyo nadiif ah, koronto, iyo fayadhowr.
Dawladdu waxay ku boorisay dadka Kenyanka ah ee shaqooyinka u raadsanaya dibadda inay ka xaqiijiyaan hay’adaha shaqo qorista ee Wasaaradda Shaqada iyo inay ka hubiyaan shaqooyinka ajaanibka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qurba-joogta si looga fogaado inay dhibane u noqdaan qorshayaasha tahriibinta.