Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay wax ka qabashada heerka shaqo la’aanta ka jirta wadanka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyandarua ayuu Ruto hoosta ka xarriiqay inay diiradda saarayaan sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa da’yar badan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in mashruuca guriyeynta ee dowladda uu arrinkan kaalin wayn ka qaadan doono.
William Ruto ayaa sheegay in dowlad deegaanka Nyandarua laga dhisi doono ugu yaraan 5,000 oo ah guriyo ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale dhaliilay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed oo ka soo horjeestay hirgelinta mashruuca guriyeynta.
Sidoo kale waxaa uu difaacay hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2023 oo baarlamaanka loo gudbiyay oo uu sheegay in ansixintiisa ay sare u qaadi doonto canshuurta ay dowladdu uruuriso.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in meesha laga saaro gaabadka dhanka tirada barayaasha ee ka jira gudaha wadanka.
Xilli uu hadal ka jeediyay dugsiga sare ee gabdhaha ee Limuru oo ku yaalla ismaamulka Kiambu ayuu madaxweynaha sheegay in sanadkan guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu shaqaaleysiiyay 35,000 oo macallimiin ah iyadoo sanadka dambe la qorsheynaya in la howlgeliyo tiradan oo kale.