Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan labo ka mid ah ciidamada dowladda Armenia ay ku dhaawacmeen dagaal xuduudeed dhex maray iyaga iyo dhigooda wadanka dariska la ah ee Azerbaijan.
Dowladda Armenia ayaa laga soo xigtay in xukuumadda Baku ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku bartilmaameedsatay dhanka tuulada Sotk ee wadankaasi.
Wasaaradda arrimaha gaashaandhigga ee Armenia ayaa saaka sheegtay in dowladda Azerbaijan ay ku xadgudubtay heshiis xabbad joojin oo horay labada dhinac loo dhex dhigay.