DHAGEYSO:Wajiga labaad ee soo saaridda meydadka Shakahola oo la billaabaya

0
326

Waxaa uu qorshuhu yahay in berri la billaabo wajiga labaad ee ay ciidamada dambi baarista meydadka uga raadinayaan keynta shakahola ee deegaanka Malindi oo ka tirsan ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa xilli uu shalay ku sugnaa deegaanka bartamaha Imenti ee ismaamulka Meru sheegay inuu berri tagi doono Kilifi si loo billaabo wajiga kale ee soo saaridda meydadka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in khuburrada ay sheegayaan in meydad dheeraad ah laga heli karo keyntaasi.

Wasiirka ayaa xusay in tallaabada ugu adag oo dhanka sharciga ah laga qaadi doono cid kasta oo la xaqiijiyo inay ka dambeysay dilalka shakhsiyaadka halkaasi lagu aasay si ay ugu cibra qaadato cid waliba oo ku howlan faafinta caqiidooyinka halista ah.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe ay qaadaysa tallaabooyin looga hor tagaya in madaxda kaniisadaha ay halis geliyaan nolosha dadka ku xiran.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi laga soo badbaadiyay hal qof oo dheeraad ah.