600 oo qof oo ku dhintay Dhulgariir ka dhacay waddanka Afganistan

0
628

Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 6.0 ayaa ku dhuftay bariga dalka Afgaanistaan.
Warbaahinta dowladda Afganistan ayaa sheegtay in ugu yaraan 600 oo qof ay dhinteen 1,500 oo kalena ay dhaawacmeen.
Guryo ka samaysan dhoobo iyo alwaax ayaa dumay iyadoo diyaarado helicopter ah loo diray si ay u daad gureeyaan dadka dhaawaca ah.
Waxaa jira warar sheegaya in dhulgariir ka dib laga dareemay dalka Pakistan ee deriska la ah iyo Hindiya.