Barasaabka ismaamulka Isiolo Cabdi Ibraahim Guyo ayaa ballanqaaday in uu bixin doono mushaaraadka ka maqan 600 oo shaqaale oo ka hoos shaqeeyay maamulkii guddooomiyihii hore ee dowlad deegaankaasi Maxamad Kuti.
Cabdi Ibraahim Guyo ayaa ku adkeystay in shaqaalahan aan adeegyadooda loo baahneyn islamarkaana ay guryahooda aadayaan marka la siiyo mushaaraadka ka maqan.
Waxaa uu sheegay in muddo saddex toddobaad gudahood uu arrinkan horgeyn doono golaha hoose ee wakiillada ismaamulkaasi, si ay u ansixiyaan misaaniyad dhaqaale oo shaqaalahan mushaaraadkooda lagu siinayo.
Barasaabka cusub ee dowlad deegaanka Isiolo ayaa xusay in shaqaalahan ay qabteen adeegyo xilligii maamulkii isaga ka horreeyay, islamarkaana aan mushaaraadkooda la siinin muddo u dhexeyso 5 ilaa 14 bilood oo ay shaqeeyeen.
Waxaa uu sheegay in shaqaaleysiinta boqollaal qof oo aan adeegyadooda loo baahnayn ay tahay ku takrifalka lacagaha canshuur bixiyayaasha.
Mr. Guyo ayaa xusay in shaqaalo badan oo la qoro aysan micno soo kordhineen, maadaama sida uu hadalka u dhigay in qaar badan oo ka mid ay mushaar qaadanayaan iyagoo guryaha ku sugan.
Waxaa uu dhanka kale ballanqaaday in maamulkiisa shaqooyin xirfadeysan ka siin doono dadka baahiyaha gaarka ah qabo.