Hay’aadda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta sheegtay in 600 oo muhaajiriin sharci darro ah laga soo badbaadiyay xeebaha Galbeed ee wadanka Libya.
Qoraal ay barta Twittarka soo dhigtay ayay hay’addu ku sheegtay in 600 oo muhaajiriin ah oo u badan carruur iyo haween lagu soo celiyay caasimadda Tripoli iyo Zawiya.
Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in sannadkii 2020-kii magaalada Tripoli dib loogu soo celiyay 11,891 muhaajiriin sharci darro ah.
Waxay IOM intaa ku dartay in 381 ay dhinteen halka 597 lagu la’ yahay Badda Mediterranean-ka.
Libya ayaa noqotay meel ay door bidaan inay ka baxaan kumanaan muhaajiriin ah kuwaas oo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan waddamada Galbeedka.