Waxaa tuulada Mikima-ini ee bariga Mwea oo ka tirsan ismaamulka Kirinyaga baroordiiq ka sameynaya qoyska iyo ehellada nin 60 sano jir ahaa oo shalay is dilay.
Meydka Stephen Muchiri ayaa laga dhex helay suuliga dugsi maxalli oo si gaar ah loo leeyahay.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay xubnaha qoyskiisa oo uu ka mid yahay Onesmus Muthee Mugo.
Waxaa uu xusay inay la yaab ku noqotay in walaalkiis oo ahaa hoggaamiye kaniiseed uu is dilay.
Shacabka ismaamulka Kirinyaga ayaa walaac ka muujiyay dhacdooyinka is dilka ah ee kordhay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isla shalay labo ruux oo kale ay isku dileen tuulooyinka Mururi-ini ee degmada Ndia iyo Githioro oo ka tirsan bartamaha dowlad deegaankaasi.