60 dhallinyaro oo ka soo jeedo Mombasa oo dhaqan celin loo sameynaya

0
229

Marwada ku xigeenka madaxweynaha dalka Dorcas Rigathi ayaa barnaamij dhaqan celin oo soconaya saddex bilood u billowday 60 dhallinyaro ah.
Waxay shaaca ka qaadday in dhaqan celinta lagu sameyn doono xarumo ku kala yaalla ismaamullada Mombasa iyo Kwale ee gobolka Xeebta.
Dorcas ayaa hoosta ka xarriiqday inay ka dhabeynaysa ballan qaad ay sameysay bilooyin ka hor.
Da’yartan ayaa qabatimay daroogada noocyadeeda kala duwan.
Marwada madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ku baaqday in la iska kaashado dadaallada lagula dagaallamaya isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha ee guud ahaan wadanka.
Waxay horay barnaamijyo noocani ah uga fulisay ismaamullada Nairobi, Nyeri, Meru, Bomet iyo Kiambu .