Xoghayaha guud ee xisbiga UDA ,Cleophas Malala ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in 6 xisbi oo ka tirsanaa isbeheysiga Kenya Kwanza ay si rasmi ah ugu biireen xisbiga madaxweynaha dalka William Ruto.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Malala sheegay in qofka uunan xubin ka ahaan karin golaha wasiirrada isagoo xisbi kale ka tirsan.
Waxaa tani ka soo horjeestay madaxda xisbiyada ANC iyo Ford-Kenya.
Hasa ahaate waxaa arrinkaasi u hoggaansamay xisbiga Umoja na Maendeleo ee barasaabkii hore ee ismaamulka Embu ,Martin Wambora, xisbiga Farmers Party oo uu madax ka yahay xoghayihii hore ee wasaaradda guriyeynta Irungu Nyakera, xisbiga Economic Freedom Party ee uu hoggaamiyo Isaaq Xasan , xisbiga CCM ee Issac Ruto ,National Agenda Party iyo Chama cha Kazi oo uu hoggaamiyo wasiirka wasaaradda ganacsiga Moses Kuria.
Malala ayaa hoosta ka xarriiqay in hoggaamiyaasha xisbiyadan iyo wakiilladooda ay si shuruud la’aan ah u oggolaadeen inay maamulka Kenya Kwanza ku taageeraan mideynta shacabka.
SIX PARTIES DISSOLVE TO JOIN UDA
Umoja na Maendeleo Party, Farmers Party, Chama cha Kazi, Chama cha Mashinani, National Agenda Party of Kenya and Economic Freedom Party are no longer partners but part of the UDA family.
They will participate in all our UDA activities including… https://t.co/odtKaHKF2A pic.twitter.com/ZnCopC864a
— United Democratic Alliance, UDA. (@UDAKenya) March 14, 2023