Booliiska dalka Ecuador ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 6 qof ay dhinteen halka 8 kalena la dhaawacay ka dib markii weerar burcadnimo laga fuliyay magaalada Guayaquil.
Toogasho wadareeddan ayaa ah midii labaad ee bishan gudaheeda laga soo tabiyay magaaladaasi.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid falkan loo xiray .
Waxaa magaalada Guayaquil, in muddo ah ku dagaallamaya kooxo burcad ah oo iska soo horjeeda oo la rumeysan yahay inay isku haystaan ka ganacsiga maandooriyaha iyo xarumaha asluubta ee dalkaasi .
In ka badan 420 qof oo maxaabiis ah ayaa isku dhacyadan lagu dilay tan iyo bishii labaad ee sanadkii 2021-kii.