Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Kajiado ayaa xabsiga u taxaabay 6 ruux oo lala xiriirinaya falal dhac ah oo la gaystay.
Falalkan ayaa laga soo tabiyay dowlad deegaannada Kajiado, Machakos iyo Makueni.
Tuhmaneyaasha ayaa lagu kala magacaaba Muoki Mulee ,Ambrose Mutuku, Dominic Moenga Mwambi, Joseph Mamai, Gideon Nyaga Njeri iyo Alex Mwaura Waweru.
Waxay hadda ku jiraan saldhigga booliiska iyagoo maraya baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.