6 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay wadada weyn ee isku xirta Nairobi iyo Mombasa

0
362

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay toddobo kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay wadada weyn ee isku xirta Nairobi-Mombasa gaar ahaana aagga Katumani.
Kooxaha samatabixinta oo goobta shilku uu ka dhacay gaaray ayaa sameeyay hawlgallo samatabbixin iyo daadgureyn ah.
Mas’uuliyiintu waxay xaqiijiyeen in lix rakaab ah ay ku dhinteen isla goobtaas saameynta shilka awgeed.
Shilkan ayaa waxaa sababay ka dib markii ay isku dhaceen gaari bas ah iyo baabuur mataatuu ah.
Toddobo qof oo kale oo dhaawac halis ah qaba ayaa loola cararay Isbitaalka Heerka 5aad ee Machakos, halkaas oo ay hadda ku qaadanayaan daryeel caafimaad oo gaar ah.
Hawlgallada samatabbixinta ee goobta ayaa tan iyo markaas la dhammeeyay, iyadoo booliiska iyo hay’adaha kale ee khuseeya ay hadda diiradda saarayaan maaraynta taraafikada iyo baaritaannada lagu ogaanayo sababta shilka.
Socodka gaadiidka ee wadada mashquulka badan ayaa si ku meel gaar ah u hakad galay iyadoo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ay ka shaqeynayeen nadiifinta burburka.
Mas’uuliyiintu waxay tacsi u direen qoysaska dadkii ku dhintay shilka waxayna u rajeeyeen dadkii dhaawacmay inay si degdeg ah u bogsadaan.