6 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Thika-Garissa

0
590

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 6 qof halka 8 kale ay soo gaareen dhaawacyo culus ka dib markii gaadiid ah nooca dadweynaha ee loo yaqaano Mataatuuda oo ay saarnaayeen uu baabuur kale ku dhacay.
Shilka ayaa laga soo tabiyay buundada Kwa Majini ee waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Thika iyo Garissa gaar ahaan dhanka ismaamulka Machakos .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhintay aan la aqoonsan karin maadaama uu jirkoodu gubtay .
Tani ayaa loo aaneeyay inay shilka ka dib qaraxday mid ka mid ah haamaha shidaalka oo ay mataatuuda sidday.
Ciidamada booliska ayaa laga soo xigtay in dhaawaca la geeyay isbitaalka heerka afaraad ee degmada Matuu si loo daaweeyo.