6 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Eldoret

0
292

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 6 qof ka dib markii uu shil ka dhacay waddada xiriirisa magaalooyinka Eldoret iyo Turbo .
Shilka ayaa u dhexeyay gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda iyo cagaf-cagaf.
Xalay ayaa shilkan laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Maili Tisa.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in cagaf-cagafta aynan lahayn laydh taasoo sababtay inay ku dhacdo mataatuuda oo sidday 11 qof.
Gaadiidka dadweynaha oo ka ambabaxay magaalada Nairobi ayaa ku wajahnaa Kitale oo ka tirsan ismaamulka Trans- Nzoia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay jiraan rakaab dhowr ah oo ay dhaawacyo culus soo gaareen.