Waxaa lagu soo warramayaa in 6 qof oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay deegaanka Kandara ee ismaamulka Murang’a.
Weerarka oo dhacay aroornimadii hore ee maanta ayaa waxaa ku nafwaayay hooyo, saddex carruur oo ay dhashay iyo labo ay ayeey u ahayd.
Dhacdadan ayaa walaac ku reebtay shacabka ku nool deegaankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gacanta lagu dhigay eedeysane goobta ku sugnaa markii dab la qabadsiinayay guriga ay ku noolaayeen dadka dhintay.
Waxaa hadda tuhmanaha lagu haya saldhigga booliska ee Kabati .