6 ka mid ah shaqaalaha isbitaalka KNH oo loo haysto inay xadeen dawooyinka kansarka

0
379

Waxaa maanta maxkamadda la soo taagay 6 ka mid ah howlwadeennada isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay xadeen dawooyinka cudurka kansarka oo qiimahoodu yahay in ka badan 8 milyan oo shilin.
Hasa ahaate waxay dhammaantood iska fogeyeen eedeymaha loo soo jeediyay.
Maxkamadda ayaa ku siidaysay damaanad ah hal milyan ama damiin lacageed oo dhan 500,000 oo shilin.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa kala ah Emily Nyambura, Phillip Odhiambo, Mary Mumo, Yvonne Muthoni, Rose Chepkosgei iyo Maureen Odongo waxayna ka howlgalaan qaybta farmashiyaha ee isbitaalka Kenyatta.
Maxkamadda ayaa lagu wargeliyay in dembiga lagu soo oogay ay galeen intii u dhexeysay bishii Afaraad iyo bishan May sanadka 2022.
Hasa ahaate qareenka matalaya, Danstan Omari ayaa su’aal geliyay in dokumeentiga dacwadda ay saaxiixeen booliska in kastoo la rabay inuu saxiixo agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka.
Maxkamadda ayaa arrintaasi ku raacday qareenka waxayna ku amartay inuu codsi hor leh gudbiyo si tani looga doodo 6-da bisha June.