6 ka mid ah madaxda fulinta ee shirkadaha dowladda oo shaqada laga joojiyay

0
267

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka ahna madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada ,Felix Koskei ayaa amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyo 6 ka mid ah madaxda fulinta ee shirkadaha dowliga ah.
Mas’uuliyiintan ayaa lagu eedeyay ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa iyo wax isdaba marino dhanka soo iibinta agabka ah.
Sidoo kale Koskei ayaa amray in shaqada laga istaajiyo 67 ka mid ah saraakiisha booliiska iyo xisaabiye ka tirsan maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka degmooyinka ee (KeRRA).
Mas’uuliyiinta uu saameeyay amarka Koskei waxaa ka mid ah Injineer Fredrick Mwamati oo ah madaxa fulinta ee wakaaladda horumarinta adeegyada biyaha ee Tana and Athi.
Sidoo kale waxaa shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyay StephenOgenga, Agaasimaha guud ee maamulka tababarrada warshadaha ee NITA.
Qofka saddexaad ayaa ah sii hayaha xilka agaasimaha guud ee madxafyada dalka Stanvas Ong’alo oo loo haysto inuu musuqmaasuqay 490 milyan oo shilin
Sidoo kale waxaa muddo kooban xafiiska ka maqnaan doono Benjamin Kai Chilumo oo ah madaxa fulinta ee xoghaynta xarumaha Huduma.
Guddiga EACC ayaa sidoo kale ku taliyay in shaqada laga istaajiyo Peter Gitaa Koria oo ah madaxa fulinta ee Bomas.