6 ka mid ah Al-Shabaab oo lagu dilay Lamu

0
328

Ciidamada booliiska ee dalka ayaa sheegay in aagga Kumba ee ismaamulka Lamu lagu dilay 6 ka mid ah dagaalyahaannada Al-Shabaab.
Tani ayaa timid ka dib howlgal ay iska kaashadeen waaxyo kala duwan oo ay hoggaaminayeen saraakiisha difaaca qaranka.
Sidoo kale waxaa howlgalkaasi lagu soo helay saad muhiim u ahaa argagixisada sida ku cad bayaanka laamaha ammaanka.
Xerada Kumba ee howlgalka lagu bartilmaameedsaday ayaa qiyaastii 10 kiilomitir dhanka galbeed uga beegan degmada Pandanguo.
Waxaa howlgalka la sameeyay kadib markii la helay xog sirdoon oo ah in kooxda la dilay ay qorsheynaysay in ay weerar fuliso.
Booliiska ayaa xubnaha bulshada ka codsaday in ay ku soo wargeliyaan shakhsiyaadka ay dhaqdhaqaaqooda ka shakiyaan.