6 ka mid ah Al-Shabaab oo ku geeriyootay qarax ay ku diyaarinayeen gobolka Hiiraan

0
242

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax galinkii dambe ee shalay ka dhacay guri ku yaalla deegaanka Beera yabaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo jugtiisa ahayd mid aad u xooggan ayaa laga maqlay meelo ka fog deegaanka, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ku qarxay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo guriga ku dhex diyaarinaayay.
War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen lix ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee qaraxaasi ku diyaarinaayay guriga dhexdiisa.
Deegaanka Beera yabaal ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga xorreeyay sanadkii la soo dhaafay, waxaana haatan xaaladda deegaankaasi ay tahay mid deggan.