DHAGEYSO:Madaxda Kisii oo ballan qaaday inay la shaqeynayaan dowladda dhexe

0
227

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Kisii oo uu hor kacaya barasaabka dowlad deegaankaasi Simba Arati ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta maamulka haya talada dalka.
Waxay siyaasiyiintan hoosta ka xarriiqeen inay madaxweyne William Ruto garab ku siin doonaan sidii shacabka ismaamulkaasi ay uga faa’iidaysan lahaayeen mashariicda horumarineed.
Simba Arati ayaa xusay in maamulkiisa uu dib u eegis ku sameynaya qorshaha horumarineed si loo waafajiyo barnaamijyada dowladda dhexe.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr.Ezekiel Machogu ayaa dhankiisa dadweynaha ku nool ismaamulka Kisii ku boorriyey inay taageeraan ajeendayaasha horumarka ee dowladda .