586 kalkaaliyeyaal ah oo la geynaya Sacuudiga

0
181

Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha ee dalka Florence Bore ayaa sheegtay in ay jiraan 586 kalkaaliyeyaal kenyaan ah oo diyaar u ah in la geeyo boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxay hoosta ka xarriiqday in shakhsiyaadkan ay buuxiyeen shuruudo lagu xiray sidaasi awgeedna ay mari doonaan turxaan bixin dheeraad ah iyagoo sugaya in ay safraan.
Wasiiradda ayaa laga soo xigtay in shakhsiyaadkan uu magacyadooda ansixiyay golaha qaran ee kalkaaliyeyaasha sidaasi awgeedna ay haystaan dokumeentiyada laga doonaya ee safarka.
Horraantii bishii Koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka ay soo bandhigtay fursado shaqo oo gaaraya 2,500 oo ka bannaan waaxyaha caafimaadka ee Sacuudi Carabiya.
Bore ayaa arrimahan ka hadashay xilli ay ka soo hormuuqatay guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha qurba joogta iyo shaqaaleysiinta soo galootiga .
Waxay sheegtay in codsiyada shaqo ee wasaaradda soo gaaray ay ahaayeen 1,765 oo isugu jiray 880 haween iyo 885 rag ah sidaasi awgeedna laga soo dhex xushay 586 ruux.