Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay shaqaaleysiinta 30,000 oo macallimiin cusub ah.
Waxaa howshan gacanta ku haya guddiga adeegga barayaasha ee TSC.
Ruto ayaa xusay in barnaamijkan oo la billaabay bishii hore uu kaalin wayn ka qaadan doono in la buuxiyo gaabadka dhanka tirada macallimiinta ee ka jira wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay sameysay wax walbo oo diyaar garow ah si tacliinta ay ugu socoto si habsami leh.
Arrintan ayuu shalay ka sheegay kaniisad ku taalla Ruai isagoo waalidiinta ugu baaqay inay xaqiijiyaan in carruurtooda ay maanta tagaan goobaha waxbarashada.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in la dhameystiray shaqaaleysiinta macallimiin cusub