Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen huteel Villa Rays

0
368

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage, (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerarkii ku dhawaad qaatay 24-ka saacadood ee ay maleeshiyaad ka tirsan ururkaasi ku qaadeen huteel Villa Rays oo ku yaalla xeyndaabka madaxtooyada.
Cali dheere ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen madax ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo askar, sida lagu baahiyay warbaahinta taabacsan Al-Shabaab ee Somali Memo.
“Weeraradaasi jihaadiga ah ayaa beegsaday qaybta bari ee Madaxtooyada oo ay ku yaallaan buul-shimbireedyo ay ku dhuumaalaystaan madaxda dowladda, Alle fadligii wuxuu howlgalkan u dhacay qaabkii loo qorsheeyay ka dib sahan iyo qiimeyn uu sameeyay jihaazka amniga” ayuu ku yiri qoraal lagu daabacay shabakadda Al-Shabaab.
Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegay inay soo afjareen dagaal huteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.
Huteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaalla goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyo hal askari.