Kooxda Al-Shabaab ayaa diiday u adeegsiga magaca “Khawaarij” ee dowladda Soomaaliya ay shaacisay iyagoo oo ku tilmaamay eray meel ka dhac ah oo macneheedu yahay koox qalloocan oo xag-jir ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, waxayna shacabka ka codsatay in kooxdan loogu yeero “Khawaarij”.
Afhayeenka Al-Shabaab Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka kooxda ee Al-Furqaan ayaa sheegay in adeegsiga eraygaasi uu qayb ka yahay dacaayadaha ay dabada ka riixayaan wadaado taageersan dowladda.
Home Wararka Soomaaliya Maxay Al-Shabaab ka dhahday magaca ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in loogu...