Waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan sarkaal ka dib markii weerar looga shakiyay mid argagixisannimo laga gaystay dalka Burkina Faso.
Militariga wadankaasi ayaa shaaciyay in shanta qof ay isugu jiraan 4 militari iyo hal booliis ah.
Taliyaha militariga Burkina Faso ayaa bayaan ku sheegay in weerarka uu Jimcihii ka dhacay duleedka tuulada Silmiougou sidaasi awgeedna amniga si wayn loo adkeeyay.
Sida laga soo xigtay hay’ad aan dowli ahayn ,waxaa weerarrada kooxaha jihaad doonka ah ee Burkina Faso ku nafwaayay in ka badan 16,000 qof oo shacab ah iyadoo ugu yaraan 5,000 oo dadkan ka mid ah ay dhinteen tan iyo billowgii sanadkan.
Sidoo kale waxaa gudaha wadankaasi ku barakacay in ka badan 2 milyan oo ruux.