5 sarkaal oo horay uga tirsanaa SSU oo la xiray

0
337

Waxaa gacanta lagu dhigay shan sarkaal oo dheeraad ah oo horay uga tirsanaa qaybtii gaarka ahayd ee waaxda dambi baarista ee SSU ee in la kala diro uu amray madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa horay loo qabtay 4 kale tani oo tirada guud ee ciidamada ilaa iyo hadda la xiray ka dhigaysa 9.
Warbixin ay soo saareen booliska wadanka ayaa lagu sheegay in saraakiishan oo ku eedeysan dembiyo uu afduub ka mid yahay maanta baaritaano lagu sameyn doono.
Baaritaannada ayaa la xiriira in la waayay labo qof oo u dhashay dalka India iyo darawalkoodi.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amray in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo dembiyada sida dilalka sharci darrada ee lala xiriiriyay saraakiishii SSU-da si cidii lagu cadeeyo looga qaado tallaabo sharciyeed.