5 qof oo meydadkooda laga soo saaraya goob macdanta laga qodo ee ismaamulka Marsabit

0
448

Waxaa lagu soo warramayaa in meydadka shan qof laga soo saaray goob macdanta dahabka laga qado oo ku taalla deegaanka hoose ee Dabel ee ismaamulka Marsabit ka dib dhul go’ ka dhacay aagaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in macdan qodayaal badan ay wali ku hoos jiraan burburka hoostiisa.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu amray in goobtan la xiro, ka dib markii ay dad badan ay dhinteen taas oo ay ka dambeysay iska horimaadyo dhexmaray bulshooyin isku haystay goobaha macdanta laga soo saaro ee dowlad deegaanka Marsabit.