5 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Lamu

0
342

Waxaa lagu soo warramayaa in shan qof lagu dilay weerar laga gaystay ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta.
Falkan ayaa walaac ku beeray shacabka ku nool tuulooyinka Juhudi iyo Salama ee degmada Mkunumbi ee dowlad deegaankaasi.
Qaar ka mid ah dadweynaha tuulooyinkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka la gaystay abaare 2-dii habeenimo ee xalay.
Koox looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa guriyo dab ku qabadsiiyay tuulooyinka Juhudi iyo Salama ee Lamu.
Shacabka ayaa hadda dowladda dhexe ka codsanaya inay amnigooda sugto oo ay si wayn ula tacaasho dhacdooyinka amni darro ee halkaasi ku soo noqnoqday.
Laamaha ammaanka ee Lamu ayaa sheegay in shanta qof ee la dilay ay dhammaan rag yihiin waxaana ka mid ah arday dhiganayay fasalka 3-aad ee dugsiga sare ee Bakania.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Lamu ,Louis Rono ayaa sheegay inuu weerarka dhacay ka war qabo in kastoo uunan faahfaahin ka bixin.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid falkaasi loo soo xiray.
Toddobaad ka hor ayay ahayd markii labo ka mid ah ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ay ku dhinteen halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino ah oo baabuur ay siteen ku saameeyay keynta Witu ee Lamu.
Bishii koowaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii weerarro laga gaystay tuulooyinka Salama iyo Juhudi lagu dilay 6 qof halka ilaa toban guri la gubay.