5 qof oo ku dhimatay shill gaari oo ka dhacay isgoyska Jambo Kenya

0
559

Shan qof ayaa ku dhimatay shil naxdin leh oo ka dhacay waddada isku xirta Londiani iyo Muhoroni ka dib markii ay isku dhaceen gaari nooca Toyota Fielder iyo baabuur kale xamuul ah.
Shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Jambo Kenya.
Shanta qof ee dhimatay ayaa saarnaa baabuurka Tyootaaga halka darawalkii kaxaynayay gaarikii xamuulka uu soo gaaray dhaawac.
Meydadka dadka dhintay ayaa la geeyay qeybta meydadka la dhigo ee Isbitaalka ismamaulka Kericho.