5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Makueni

0
311

Waxaa la xaqiijiyay in shan qof ay ku dhinteen shil laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Kanga ee ismaamulka Makueni.
Dadkan oo isla goobta shilka ku dhintay waxaa ka mid ah saddex carruur ah.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee deegaanka Kibwezi ,George Kasimiri.
Taliyaha ayaa sheegay in galinkii dambe ee shalay baabuur mataatuu ah inuu ku dhacay mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Sidoo kale waxaa uu xusay in 5 qof oo dheeraad ah ay dhaawacyo soo gaareen oo la geeyay isbitaalka heerka afaraad ee Makindu si loo daaweeyo.