Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 5 qof oo isugu jiro saddex rag ah, hal haweeneey iyo canug yar ka dib markii uu dab qabsaday guriyo ay degganaayeen oo ku yaalla aagga loo yaqaano Kibokoni ee xaafadda Old Town, magaalada Mombasa.
Waxaa dhanka kale dhaawacmay oo isbitaalka la dhigay saddex qof oo kale.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 8-dii subaxnimo in kastoo saacado ka dib lagu guulaystay in dabka la demiyo.
Dadkii halkaasi gaaray waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka xeebta Maxamad Xuuriye Ibraahim iyadoo qaar ka mid ah dadka xaafadda iyo qoysaska ay guriyaha ka gubteen ay dareenkooda warbaahinta la wadaageen.
Wax ka yar labo toddobaad ayay ahayd markii 4 qoys oo soomaali ah ay guriyo uga gubteen deegaanka Jomvu ee Mombasa.