5 ka mid ah ciidamada Israa’iil oo lagu dilay Lebanon iyo Qaza

0
538

Waxaa lagu soo warramayaa in 5 ka mid ah ciidamada Israa’iil lagu dilay dagaallo ka dhacay Koonfurta dalka Lebanon iyo Marinka Qaza ee Falastiin.
Sidoo kale, waxay dhaawacyo culus soo gaareen Sagaal sarkaal oo dheeraad ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 42,438 qof ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza halka la dhaawacay 99,246 kale.