5 ka mid ah ardayda shalay billaabay imtixaannada oo umulay

0
310

Waxaa lagu soo warramayaa in iyadoo ay ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka 6-aad ee Grade 6 ay shalay billaabeen imtixaannada KCPE-da iyo KPSEA in 5 gabdhood oo ka mid ah ay isbitaallada ku umuleen maadaama ay horay uur u qaadeen.
Gabadh ardayad ah ayaa imtixaanka ku sameysay isbitaalka hooyooyinka iyo dhallaanka ee Wote ee ismaamulka Makueni ka dib markii ay halkaasi ku umushay.
Ismaamulka Kitui , gabadh imtixaanka ku sameynaysay dugsiga hoose dhexe ee Mwingi ayaa waxaa qabtay xanuunka foosha waxaana la geeyay isbitaalka heerka 4-aad ee Mwingi halkaasi oo ay ku umushay ka dibna imtixaanka ku sameysay.
Isla Kitui waxaa isbitaalka Muthale ku umushay mid ka mid ah ardayda dugsiga hoose dhexe ee Kagondi .
Ismaamulka Migori waxay xaaladdan la soo daristay labo gabdhood oo kala dhigta dugsiyada hoose dhexe ee Piny Owacho ee deegaanka Uriri iyo Mubachi oo ku yaalla Galbeedka Suna.
Waxay labaduba ku umuleen isbitaalka wayn ee Migori ka hor inta aan loo oggolaan inay imtixaannada sameyaan iyagoo ay mas’uuliyiinta imtixaannada maareynaya ilaalinayaan.
Dhanka kale waxaa xaafadda Huruma ee ismaamulka Nairobi lagu xiray gabadh ardayad ah iyo haweeney iskudayday inay imtixaanka u sameysa.
Haweeneyda ayaa magaceeda lagu sheegay Mercy Wairimu halka ardayadda lagu magacaabo Doreen Gakii.
Waxaa ay labaduba hadda ku jiraan saldhigga booliiska ee deegaanka Ruaraka ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin.
Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ee sanadkan ayaa ah midkii ugu dambeeyay ee ay sameynayaan ardayda adeegsanayay manhajka waxbarashada ee 8-4-4 oo la isticmaalayay tan iyo sanadkii 1985-tii.