5 gabdhood oo soomaali ah oo shil ku dhintay magaalada Minneapolis

0
296

Sida ay xaqiijiyeen waaxda booliiska ee maagalada Minneapolis shan gabdhood oo soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaaladaasi ee dalka Maraykanka.
War qoraal ah oo ay soo saareen laamaha ammaanka ayay ku sheegeen in booliiska Minneapolis ay ka jawaabeen caawinaad ay weydiisteen waaxda roondada ee gobolka Minnesota.
Ciidanka ilaalada gobolka Minnesota ee fadhigoodu yahay isgoysyada 35 ee woqooyi ee u dhow waddada 46-aad ayaa arkay baabuur si xowli ah ku socda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka hor inta aan la isku dayin in la joojiyo gaariga ayaa isla markiiba ka baxay waddada weyn.
Gaariga ayaa ka dib kasii gudbay nal cas oo ku yaalla isgoyska Lake St. iyo wadadda 2-aad, isagoo ku dhacay gaari kale oo ay saarnaayeen afar dumar ah oo qaangaar ah iyo hal gabadh oo aan wali qaangaarin.
Nin ayaa gaariga ka baxay oo goobta ka baxsaday.
Gabdhaha ayaa suuqa Karmel ee magaalaada Minneapolis ka soo adeegtay ka hor inta uunan gaariga xowliga ku socday ku dhicin.
Wararka ayaa sheegaya in saddex ka mid ah gabdhaha ay ahaayeen isku qoys.
Gabdhaha ayaa isku diyaarinayay munaasabadda qalinjabintooda ee waxbarashada.