Dambi baarayaasha DCI-da ayaa gacanta ku dhigay laba tuhmane oo muhiim ah oo la rumeysan yahay inay qayb ka yihiin koox afar xubnood ka kooban oo argagax gelinaysay darawallada baabuurta xamuulka ee isticmaala waddooyinka mashquulka badan ee Thika, Nyeri iyo Thika iyo Embu. Xarigga ayaa daba socda howlgal ay sameeyeen baarayaal laga soo xulay Xafiiska Cilmi baarista iyo Sirdoonka Dembiyada, Kooxda Kaalmada Howlgallada, iyo DCI-da deegaanka Gatanga ka dib markii ay dhaceen dhacyo rabshado wata oo lala beegsaday gaadiidleyda alaabta.
Howlgalkan ayaa la bilaabay iyadoo laga jawaabayo laba kiis oo dhac ah oo la mid ah oo laga soo sheegay Saldhigyada Booliiska ee Kutus iyo Wanguru, halkaas oo rag iska dhigaaya saraakiil booliis ay weerar ku soo qaadeen dareewallada.
Ka dib maalmo baaritaan iyo dabagal ah saraakiisha dambi baarista ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan Festus Kandiki Kanyaru isagoo laga soo qabtay deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Sida ay DCI-da sheegtay ninkan ayaa qirtay inuu qayb ka ahaa kooxda waxaa uuna aqoonsaday saddexdii eedeeysane oo la socotay, isagoo shaaca ka qaaday inay 400 oo baal oo bur galley ah u iibiyeen ganacsade ku sugan xaafadda Islii. Saaxiibkiis, oo lagu magacaabo Bundi Stanley Kaumbiri kuna magac dheer Bamu, ayaa maalintii xigtay lagu xiray dukaankiisa jaadka ee xaafadda South B.
Horumar cusub oo laga gaaray kiiska ayaa maanta waxaa gacanta lagu soo dhigay 3 eedeeysane oo kale oo kala ah Khalid Cabdirahman Maxammed, Shucayb Axmed Xuseen, iyo Yusuf Nuur Cabdullahi iyaga oo maamulaayo baqaar ku yaalo xaafadda Islii oo lagu keydiyay galeydii la soo xaday.
Eedeeysanayaasha ayaa haatan ku jira xabsiga iyadhoo la filaayo in maxkamadda la soo taago.
Waaxda Baarista Dambiyada ayaa ku boorisay gaadiidleyda iyo darawallada inay feejignaadaan oo ay si degdeg ah u soo sheegaan shakhsiyaadka laga shakisan yahay ee iska dhigaya saraakiisha fulinta sharciga ee waddooyinka waaweyn.




