49 qof oo ka badbaaday bas dab ku qabsaday waddada xiriirisa Narok-Mai Mahiu

0
189

Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah basaska shirkadda Ena Coach uu dab qabsaday.
Baska waxaa saarnaa 49 rakaab ah oo uu ku jiro darawalkii baaburka waday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la soo badbaadiyay dhammaan rakaabkii saarnaa baska.
Baska ayaa dab uu ku qabsaday aagga deegaanka Nairegie Enkare ee waddada xiriirisa magaalooyinka Narok iyo Mai Mahiu
Booliiska ayaa sheegay in baska uu ka yimid magaalada Nairobi kuna sii jeeday ismaamulka Migori.
Mid ka mid ah taayarrada hore ee baska ayaa la sheegay inuu farriistay xilli uu buur korayay.
Hasa ahaate baska ayaa dab qabsaday, iyadoo dhammaan rakaabkii baaburkan saarnaa ay badbaadeen.