49 ka mid ah shirkadaha gaaska oo lagala laabtay leesimada ay ku shaqeeyaan

0
421

Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee (EPRA) ayaa leesimadii ay ku shaqeynayeen kala laabtay 49 shirkadood oo ah kuwa iibiya gaaska cuntada lagu karsado.
Tani ayaa timid ka dib markii aynan u hoggaansamin xeerarka ganacsigan u degsan.
EPRA ayaa sheegtay in ay tallaabadan qaadday ka dib markii ay baaritaano dabagal ah ku sameysay shirkadahan oo gaaraya 138 guud ahaan wadanka.
Qaar ka mid ah xarumahan oo ku yaalla meel ilaa 200 oo mitir u jirtay goobo la deggan yahay ayaa lagu tilmaamay kuwo halis gelinaya nolosha shacabka.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay wasiirka tamarta ee dalka Davis Chirchir iyo agaasimaha guud ee maamulka EPRA Daniel Kiptoo oo ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka ee arrimaha tamarta.