481 qof oo lagu dilay Qaza 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay

0
230

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay , duqeymaha dhanka cirka ee ay Israa’iil ka wado gudaha Qaza in looga takhalusay 481 ruux.
Tani ayaa tirada guud ee Falastiiniyiinta la dilay laga soo billaabo 7-dii bishan Tobnaad ka dhigaysa 7,028 qof.
Boqolkiiba 66 ee dadkan ayaa ah carruur iyo haween sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.