46 qof oo loo xiray dibadbaxyadii shalay dalka ka dhacay

0
282

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in 46 qof loo xiray inay ka qayb qaateen mudaaharaadyadii shalay ka dhacay qaybo ka mid ah wadanka.
14 ka mid ah dadkan ayaa lagu xiray ismaamulka Nairobi halka 32 kale laga qabtay ismaamullada gobolka Nyanza.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadkan maanta maxkamad la soo taagi doono si loogu soo oogo dacwad ah inay ka qayb galeen bannaanbax rabshadeysan oo lagu gaystay burbur hantiyadeed.
Wasiirka ayaa dhanka kale gebi ahaanba mamnuucay in dibadbax lagu qabto gudaha wadanka haddii laamaha ammaanka lagu wargeliyo iyo haddii aan lagu wargelin labaduba.