Waxaa gacanta lagu dhigay 44 muwaadin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Eritrea.
Shakhsiyaadkan ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Brigadier ee deegaanka Tongaren ee dowlad deegaanka Bungoma.
Waxaa laga soo qabtay guri uu leeyahay mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku yaalla tuulada Miti Mbili .
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Soysambu ,Solomon Nginai ayaa arrintan xaqiijiyey.
Waxaa uu intaasi ku daray in 44-ta ruux ay ku jiraan saldhigga iyadoo saraakiisha waaxda socdaalka ay xaqiijinayaan in ay sitaan dokumeentiyada saxda ah iyo in kale.




