Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa billaabay inay boqolaal qof oo isugu jiro soo galooti iyo dad magangalyo-doon ah ay ka daadgureyaan xeryaha ku yaalla jasiiradda Lampedusa.
Tani ayaa timid ka dib markii dad dheeraad ah oo halkaasi gaaray ay sababta in xerooyinka ay buux dhaafaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegtay in 600 oo qof lagu qaadi doono markab geynaya magaalada Sicily ka hor inta aan meelo kale loo sii gudbin.
Waxaa sanadkan Talyaaniga gaaray 30,000 oo qaxooti ah marka loo barbardhigo sanadkii hore oo ay tiradan ahayd 22,700.