Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in 422 qof oo marqaati ah ay diyaari u yihiin in ay ka hadlaan waxyaabaha ay ka ogyihiin eedeymaha loo jeediyay baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi, Paul Mackenzie iyo 94 qof oo kale oo dhamaantood eedeysanayaal ah.
Waaxda ODPP ayaa laga soo xigtay in ay soo bandhigi doonto caddeymo isugu jiro dokumeentiyo iyo waxyaabo elektoroonik ah.
95-ta eedeysanayaal ee uu ka midka yahay baadariga ayaa isugu jiro 40 haween iyo 55 rag ah.
Waxay wajahayaan eedeymo gaaraya 238 oo la xiriira in ay sababeen dhimashada 429 ruux oo maydadkooda laga soo saaray xabaal wadareedyo lagu arkay kaynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ka dib markii laga dhaadhiciyay in ay cuntada iyo biyaha ka af-xirtaan si ay nabi ciise ula kulmaan.
Maxkamadda ayaa dacwaddan dhageysan doonto 12-ka ilaa 15-ka bisha Sideedaad ee sanadkan ka hor inta aan mar kale la dhageysan 9-ka ilaa 12-ka bisha Sagalaad ee sanadkan.