Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay in la diyaariyay tallaabooyin looga hor tagaya inuu berri jiro ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ah.
1-da bisha June ayaa sanad kasta wadanka looga dabbaal degaa maalinta qaran ee Madaraka Day oo la xuso xilligii ay sanadkii 1963-dii Kenya qaadatay maamulka gudaha ka dib guumaysigii Ingiriiska.
Afhayeenka booliska dalka Bruno Shioso ayaa sheegay in la howlgelinaya ciidamo boolis oo dheeraad ah si ay u hagaan gaadiidleyda.
Dabbaal degga Madaraka Day ee sanadkan ayaa lagu qaban doonaa fagaaraha Uhuru gardens ee magaalada Nairobi.
Mr. Shioso ayaa wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ku boorriyay inay taxaddar muujiyaan oo ay u hoggaansamaan xeerarka taraafikada.