40 qof oo u dhashay Filibiin oo ka qaxay Qaza

0
320

Madaxweynaha dalka Filibiin ,Ferdinand Marcos Junior ayaa sheegay in 40 qof oo dhalasho ahaan wadankaasi ka soo jeedo ay ka qaxeen Marinka Qaza.
Dadkan oo adeegsanaya marinka Rafah ayaa u gudbay dhanka dalka Masar.
Marcos ayaa baraha bulshada ku sheegay in muwaadiniintan ay diyaarado ka raaci doonaan caasimadda Masar ee Qaahira si ay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Waxaa uu farriin muuqaal ah ku sheegay inuu rajeynaya inay Qaza iyagoo badqaba ka soo baxaan muwaadiniinta Filibiin iyo qoysaskooda ee weli halkaasi ku sugan.
Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warramaysa in tirada muwaadiniinta dalka Filibiin ee ku sugan Qaza ay tahay 134 qof oo uu qaarkood xiriir guur dhex maray Falastiiniyiinta.